Taliyaha NISA oo booqday goobihii ay ka dhaceen qaraxyada + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA) mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA la sheegay in ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Qaraxyo ka buuxay.

 

Taliye Ku xigeenka Hey’adda Nisa Muxyadiin Warbac Shadoor iyo Saraakiil Kale oo ka tirsan Sirdoonka dalka ayaa ku wehlinayey taliyaha booqashada iyo dhiirigelinta ay Ciidanka ugu tageen.

“Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo ciidanka NISA ay saakay ku fashiliyeen labo gaari oo Khawaarijtu ay ku soo rareen qaraxyo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Muqdisho” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “”Ciidamada ammaanka oo ka warhelay dhagarta ay Khawaarijtu soo maleegeen ayaa ku guuleystay inay ka hortagaan qaraxyadaas, Taliyaha NISA oo tegay goobihii lagu fashiliyey dhagartii Khawaarijta ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka ka howlgala aagaas” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan ka dhacay duleedka Muqdisho, waxaana mid kamid ah lagu beegsaday xero ay ku sugnaayeen ciiidanka Nabad-sugidda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here