Jabad Godane, Shabeellaha Dhexe — Taliyaha Qaybta 1’aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor, Col. Saahid Jamaac Faarax, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee ku sugan deegaanka Jabad Godane, gobolka Shabeellaha Dhexe.
Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli uu halkaasi ka socdo howlgal qorsheysan oo lagaga hortagayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay Ciidanka Xoogga Dalka ku burburiyeen goobo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha Qaybta 1’aad ee Gorgor ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa howlgalka, isagoo boggaadiyey feejignaanta, adkaysiga iyo guulaha ay ciidamadu ka gaareen ciribtirka cadowga.
Sidoo kale, Taliyaha Ururka 1’aad ee Kumaandooska Gorgor, Cabbdullaahi Mustaf Cali (Tima-weyne), ayaa Taliyaha faahfaahin ka siiyay horumarka howlgalka ka socda deegaanka iyo guulaha la gaaray.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii xoojiyaan difaaca dalka, ilaalinta shacabka, iyo dabar-gooynta Al-Shabaab. isagoo adkeeyey in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.






