Muqdisho – Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo horumarinta howlgalada ka socda magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan oo la xiriira howlgaladii amni ee dhacay toddobaadkii tegay, iyadoo saraakiishu ay si gaar ah u falanqeeyeen xeeladaha lagu wajahayo falalka amni-darrada ah ee ay geystaan kooxaha burcadda.
Taliye Mahdi ayaa kulanka ka sheegay in la joogo xilli u baahan feejignaan dheeri ah, isagoo saraakiisha ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-jibbaaraan dadaalkooda si loo sugo amniga muwaadiniinta, loogana hortago falalka dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhaca gudaha magaalada.
Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqaynta dhex marta qaybaha kala duwan ee Booliska Caasimadda, taas oo uu sheegay in ay laf-dhabar u tahay guusha howlgalada amni ee la fuliyo.
Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmahan dambe qaadayay howlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha burcadda ah, kuwaas oo lagu soo qabtay tiro ka mid ah eedeysanayaal lala xiriirinayo falal dhaca iyo weerarro ka dhacay xaafado ka mid ah Muqdisho.




