Taliyaha Sirdoonka Itoobiya oo Booqday Muqdisho

0

MUQDISHO – Redwan Hussein, Taliyaha Hay’adda Sirdoonka ee Itoobiya, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo siday farriin muhiim ah oo uu ka wakiil yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

 

Redwan Hussein ayaa farriintaasi si toos ah ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaddib kulan ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Soomaaliya. Booqashadan, oo aan horay loo shaacin, ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo gobolka Geeska Afrika marayo marxalad adag.

Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan bixin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan nuxurka farriinta, balse ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saaray arrimo la xiriira amniga, xiriirka labada dal, iyo xaaladda guud ee gobolka.

Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Redwan Hussein waxa uu sidoo kale la kulmay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, isagoo kulan gaar ah kula yeeshay xarunta hay’adda, halkaasoo laga wada hadlay arrimo aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Socdaalkan ayaa imaanaya maalmo yar kaddib markii Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, uu dalkiisa ku martigeliyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, taasoo muujinaysa dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xooggan oo ka socda gobolka.

Booqashadan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa xilli uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay weerar iyo aqoonsi la xiriira madax-bannaanida Soomaaliya, kaasoo sababay falcelin caalami ah, gaar ahaan dalalka deriska ah. Siyaasiyiinta iyo falanqeeyayaasha arrimaha Geeska Afrika waxay aaminsan yihiin in socdaalkan uu yahay isku day diblomaasiyadeed oo lagu qaboojiyo xiisadaha gobolka, isla markaana xal loogu raadinayo khilaafaadkii ka dhashay heshiiskii badda ee Itoobiya iyo Somaliland.

Redwan Hussein ayaa booqashadiisa ku soo xiray socdaal kooban oo Muqdisho ah, kaddibna dib ugu laabtay dalkiisa, isagoo sida wararka sheegayaan sii wada xiriirka uu ka wado Madaxweynaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here