SHABEELLAHA DHEXE — Taliyaha Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo howlo shaqo u joogay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa shalay kormeer shaqo ku gaaray agagaarka deegaanada Sheekh Yaala, Jabad Godane iyo deegaano kale oo ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta.
Socdaalka Taliyaha ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo laguna dardar-gelinayo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, sidoo kalena lagu dhiirrigelinayo geesiyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha dagaalka.
Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Taliska Taakuleynta CXDS, oo ay wehliyeen saraakiil sare oo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa ciidamada ku bogaadiyay naf-hurnimada, adkaysiga iyo dadaalka ay muujiyeen, isagoo si gaar ah u xusay feejignaantooda iyo sida ay uga hortagayaan dhagarta cadowga.
Taliyaha ayaa sidoo kale ku boorriyay ciidamada in ay sii wadaan howlgalada lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana ay laba jibbaaraan dadaallada lagu dabar-goynayo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida guud ee dalka.
Howlgallada ka socda deegaanadaas ayaa lagu doonayaa in lagu xoreeyo dhulka ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in guulo muhiim ah laga gaaray dagaallada ka dhanka ah argagixisada.




