Awdheegle – Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October, Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa degmada Awdheegle ku soo dhaweeyay saraakiil ka socotay Hoggaanka Howlgelinta Guud ee Xoogga Dalka.
Saraakiishan ayaa degmada u tagey qiimeynta xaaladda guud, iyadoo amniga degmada si buuxda gacanta ugu hayaan Saaxiibada AUSSOM iyo Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October.
Intii ay joogeen, saraakiishu waxay kormeer ku sameeyeen goobihii ay burburiyeen kooxihii Al-Shabaab ee maalmihii yaraa ee dambe ku dhuumaaleysanayeen degmada, halkaasoo hadda laga dareemayo soo kabasho dhinac kasta ah, laguna tilmaamay horumar muuqda oo amni iyo dib-u-dhis ah.






