AADAN YABAAL (SMN) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin Cadow oo weli ku sugan aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa qaaday talllaabo lagu dhiiragelinayo ciidamada ku sugan halkaasi.
Taliyaha ayaa min hal darajo ku abaal-mariyay dhammaan ciidamada jooga deegaanka Daarul-Nicma ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay muddo ka difaacayeen Al-Shabaab.
Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa ku amaanay sida ay ugu dhabar adeegeen inay joogaan aaggaas, ayna ka hortagaan Al-Shabaab.
“Waxa aan idin kugu hambalyeynayaa sida aad u kala dambeysiin oo aad isku maqashiin, marka ugu horreysa waxa aad tihiin ciidanka keliya ee isaga oo is wata si isku mid ah difaac ugu jira, nin weliba oo ciidanka katirsan waxaa dalacsiiyay min hal derajo, waad adkeysateen” ayuu yiri Taliye Ibraahim Sheekh Muxiyidiin.
Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo guluf culus ka wada HirShabelle iyo Galmudug ayaa guullo waa weyn ka gaaray howlgallada ka socda gobollada hoostaga maamulladaasi.