Taliye Asad oo kormeeray laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha Boliiska + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdulaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha Boliiska Soomaaliyeed.

 

Taliyaha ayaa Warbixin ka dhageystay saraakiisha laanta Dhexe ee ilaalinta Canshuuraha iyagoo uga warbixiyey shaqada ilaalinta canshuuraha

Taliyaha ayaa saraakiisha kula dardaarmay in Bulshada loogu adeego si dhow lana ilaaliyo Habraaca Canshuur Qaadista.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray in aan la arki karin askari sifo sharci darro ah shacabka lacag uga qaadanaya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here