Taliye Asad oo Shir Guddoomiyey Kulanka Hoggaannada Ciidanka Booliiska

0

MUQDISHO [SMN] – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir guddoomiyey kulanka Hoggaannada, Qeybaha, iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Booliiska, kaasoo ka qabsoomay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

Shirka todobaadkan waxaa warbixino ku saabsan ammaanka looga dhageystay Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir, Hoggaanka Baarista Dambiyada CID, Taliska La Dagaalanka Argagixisada iyo Hoggaanka Kormeerka.

Waxaa la soo bandhigay warbixinno la xiriira halka ay marayaan kormeerka iyo qiimeynta Booliiska, kuwaas oo weli ku howlan sidii ay u xoojin lahaayeen howlaha amaanka dalka.

Taliyaha, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa ugu mahadceliyey saraakiisha Ciidanka Booliiska ee dadaalka shaqo iyo himilooyinka weyn ee ay u hayaan dalka. Wuxuu si gaar ah ugu booriyey in la xoojiyo doorka Booliiska ee ammaanka dalka, maadaama Bisha Barakaysan ee Ramadaan soo dhowdahay.

Sidoo kale, Taliyaha wuxuu shacabkana ugu baaqay inay gacan siiyaan laamaha ammaanka si looga hortago falalka Khawaarijta, oo mar kasta ku howlan waxyeelaynta bulshada Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyey inay ka hortagaan falalka argagixiso ee ka dhanka ah shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here