Taliye ku xigeenkii ciidamada Somaliland oo isku dhiibay SSC-Khaatumo

0

LAASCAANOOD (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta bariga magaalada Laascaanood lagu soo dhoweeyay taliye ku xigeenkiii ciidamada milatariga Somaliland, Sareeye Guuto Saleebaan Barre Geesood, kaas oo isku soo dhiibay SSC-Khaatumo.

 

Ninkan oo wata illaa 30 askari iyo gaadiid dagaal ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood, halkaas oo ay ku qaabileen mas’uuliyiin iyo saraakiil deegaanka ah.

Saleebaan Barre Geesood ayaa deegaan ahaan kasoo jeedo Sool, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha sar sare ee ciidamada Somaliland ee qaybta ka ahaa dagaalka Laascaanood.

Soo dhaweyntiisa ayaa waxaa a hadlay qaar kamid ah waxgaradka SSC oo ku boggaadiyay go’aanka uu qaatay, maadaama uu isaga soo baxay Somaliland.

Ma aha sarkaalkii ugu horreeyay ee kasoo goosta Somaliland, waxaana jira mas’uuliyiin kale oo horay uga soo tegay maamulkaas, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Laascaanood.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan arrinta taliyahaas iyo ciidamada uga goostay dhanka SSC-Khaatumo.

Dagaalka u dhexeeya labada dhinac ayaa qaatay dhowr bilooda oo xiriir ah, waxaana weli xiisaddu ay ka taagan tahay duleedka xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac oo mararka qaar madaafiic isku weydaarsada jiida hore ee dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here