Taliye ku-xigeenkii Daraawiishta Buurhakaba oo dagaal lagu dilay

0

Buurhakaba, 24 Sebtember 2025 – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda federaalka ayaa saakay ka hortagay weerar ay kooxda Al-Shabaab qorsheynaysay in ay ku qaado degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

 

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed, Mustaf Garabey, oo la hadlay warbaahinta Shabelle, ayaa sheegay in dagaal culus iyo qaraxyo ay ka dhaceen duleedka degmada Buurhakaba, halkaas oo ay ciidamada ammaanku ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhanka ciidamada ah, iyadoo lagu dilay Taliye ku xigeenka Daraawiishta degmada Cismaan Karabiin iyo saddex askari oo kale.

Mustaf Garabey ayaa tilmaamay in ciidamada Koonfur Galbeed ay si buuxda u xakameeyeen xaaladda, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Baay.

Halkan Ka daawo Wareysiga Afhayeenka:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here