MUQDISHO (SMN) – Taliyaha Nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta ku guuleystay in lasoo afjaro khilaafkii muddada dheeraa ka jiray gobolka Hiiraan.
Sanbaloolshe ayaa wada-hadal la galay Cabdullaahi Ganey oo horay u sheegtay inuu yahay madaxweynaha Hiiraan State, wuxuuna sheegay in xal laga gaaray tabashadii jirtay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadallada ay sii socon doonaan, muhiimadduna ay tahay in la ilaaliyo wadajirka bulshada.
Halkan hoose ka daawo:-