Taliye Shub oo sheegay in cadaalad darro weyn ay ka jirto xabsiyada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo ah taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ka hadlay arrimaha garsoorka iyo guud ahaan cadaaladda dalka.

 

Taliye Shub ayaa shaaca ka qaaday in xabsiyada ku yaalla Muqdisho , isla-markaana uu ugu horreeyo xabsiga dhexe ay ka jirto cadaalad darro weyn, sida uu hadala u dhigay.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xusay inay jiraan dad sanado badan iska xiran, isla-markaana aan helin wax cadaalad ah, wuxuuna ku baaqay in arrintaasi wax laga qabto.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay haatan wado qorsheyaal ballaaran oo lagu hormarinayo garsoorka dalka, waxaana ugu horreeyo maxkamadaha oo haatan dib u habeen lagu sameeyay, sidoo kale waxaa socda dagaal lagula jiro musuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here