Taliyihii burcad-badeeddii afduubatay Markabka MV Abddalla oo lasoo qabtay

0

GAALKACYO (SMN) – Ciidanka booliska Gobolka Mudug oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka sameeyay howlgal ku saabsanaa  la dagaalanka  burcadbadeeda ayaa gacanta Kusoo dhigay Taliyihii hogaaminayay i burcad badeedii 5 Milan oo madax furashada ah ka qaatay Markabkii MV ABDALLA ee laga alahaa dalka Bangaladesh.

 

Howlgalkan oo ay ciidanka ka fuliyeen xaafada siinaay ee Magalada Gaalkacyo ayaa lagu soo qabtay Abshir Abdi kheyre Jowfe oo 38 jir  ina Mayran Hassan ahna taliyihii markabkii MV Abddala qaatayna in ka badan 400,000 (Afar boqol oo kun) oo doolar.

Taliyaha qaybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin yusuf oo warbixin kabixiyey howgalkaan guulaystay ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lugleh falalka burcadnimada, in gacanta ay ku dhigayaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay  iney sharciga hor keeni doonaan cid kasta oo ku lug yeelata falalka burcadnimada ah.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta kooxaha burcad badeedda ah kuwaas oo dhibaato lixaadle kuhaya dadka iyo deegaankaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here