MUQDISHO (SMN) – Warbixin cusub oo soo baxday maanta ayaa lagu sheegay inay Al-Shabaab kordhisay weerarada Muqdisho, iyadoo beegsanaysa goobaha ganacsiga iyo shaqsiyaadka u hoggaansamay amarka dowladda Soomaaliya ee xirashadda kaamirooyinka CCTV-ga.
ACLED [Akled] oo ah hay’ad fadhigeedu yahay Mareykanka oo qiimeysa saameynta dagaallada waxay sheegtay in 37 qof lagu dilay weerarada Al-Shabaab labadii ee lasoo dhaaf, kuwaasoo lala beegsaday xarumo ganacsi ee xirtay kaamirooyinka, taasoo abuurtay jawi cabsi iyo hubanti la’aan ah.
Tan iyo bishii Oktoobar, ACLED waxay diiwaangelisay 10 weerar oo Al-Shabaab ku qaadey xarumaha ganacsiga Muqdisho. Weeraradan ayaa curyaamiyay xaafado muhiim ah, iyadoo goobaha ganacsiga degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa qaarkood laxiray, iyadoo cabsi laga qabo in loo beegsado kaamirooyinka ay xirteen.
Amarka dowladda ee xirashadda kaamiradda oo soo baxay sanadkii 2023-ka ayaa looga gol leeyahay in lagu xadido dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Dawladdu waxay hiigsanaysaa inay u adeegsato muuqaallada CCTV-ga ilaalinta iyo daba-galka falal dembiyaadyada ay ku jiraan weerarada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa ku amartay milkiilayaasha ganacsiga inaysan u hoggaansamin awaamiirta dowladda ee xirashadda Kaamiradda. Ganacsato badan ayaa sheegay in labada amar ay gelisay xaalad adag. Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa u hoggaansamay amarkii dowladda, halka qaar kalena ay doorteen in aysan xiran Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV si ay uga fogaadaan bartilmaameedyada Al-Shabaab. Tani waxay keentay in ganacsiyo badan ay xirmaan.
ACLED waxay diiwaan gelisay weerarkii ugu horreeyay ee al-Shabaab ku qaado meherad ganacsi oo lagu xiray Kaamirooyinka CCTV gudaha Muqdisho Noofambar 2023. Laga bilaabo 1 Oktoobar ilaa 22ka Nofembar, ACLED waxay diiwaangelisay 23 dhacdo oo kamid ah beegsiga rayidka, taasoo keentay ugu yaraan 37 dhimasho ah. Dhacdooyinkan, 39% waxaa lala xiriirinayaa weerarrada al-Shabaab ee la xiriira rakibaadda kamaradaha ilaalada.