Toban xildhibaan oo dacwad ka gudbiyay safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Tiro xildhibaano ah, kana tirsan labada gole ee BJFS ee kasoo jeeda SSC-Khaatumo, ayaa soo saaray warqad ay kaga cabanayaan Safiirka dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.

 

Nuqul kamid ah warqadda oo ay heshay Shabelle ayaa waxaa ku saxiixnaa illaa 10 Mudane oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa waxaa loo gudbiyay QM.

Xildhibaanada ayaa sheegay in danjiraha UK uu ku xadgudbay Qaranimada Soomaaliya, uuna kasoo horjeestay jiritaanka SSC, isaga oo taageeray Somaliland.

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis ayaa dhowr mar sidaan oo kale loogu eedeeaey in uu garab buuxa siinayey tan iyo dagaalkii ka dhacay Laascaanood.

Halkan hoose ka akhriso:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here