Minnesota – Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu “si degdeg ah” u joojinayo sharciga ku-meelgaarka ah ee ay haystaan qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Minnesota. Tani waxay khatar cusub gelisay boqolaal Soomaali ah oo sanadihii la soo dhaafay ku tiirsanaa barnaamijka TPS si ay uga fogaadaan in dib loogu celiyo Soomaaliya oo weli wajahaysa amni-darro.
Minnesota ayaa hoy u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu weyn Mareykanka, kuwaas oo badan kood ku yimid iyaga oo ka cararaya colaaddii soo jiitamaaysay ee dalkooda. Inkastoo Soomaalida Minnesota ay buuxiyeen shharciyada dal ku jooga, kan shaqada, waxbarashada iyo ganacsiga, haddana go’aanka Trump ayaa si toos ah u taaban kara qoysas dhowr ah oo weli hoos tagaya nimaadka TPS ee ka ilaalinaya tarxiilka.
Warbixin Congress-ka loo gudbiyay bishii Agoosto ayaa muujisay in tirada Soomaalida ee haysta sharciga TPS guud ahaan Mareykanka ay tahay 705 qof oo keliya.
Trump ayaa Minnesota ku eedeeyay inay noqotay “xarun khiyaano dhaqaale,” isaga oo hadallo adag kula beegsaday dhalinyarada Soomaaliyeed, taas oo taageerayaasha xuquuqda Muslimiinta ay ku tilmaameen hadallo naceyb hurinaya. Ururka CAIR-Minnesota ayaa sheegay in go’aanka Trump uu “qoysas kala firdhin doono,” kuna tilmaamay weerar siyaasadeed oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya bulshada Soomaaliyeed iyo Muslimiinta guud ahaan.
Bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ayaa durba muujisay walaac xooggan, iyaga oo sheegay in hadallada nuucan oo kale ah ay kordhiyaan cabsida, kala fogeynta iyo cadaadiska ka dhanka ah muhaajiriinta. Qoysaska ay saamayntu ku yeelan karto ayaa sheegay inay u baahan yihiin deganaan iyo in siyaasiyiinta Mareykanka ay ka fiirsadaan saamaynta bani’aadantinimo ee go’aannada ay qaadanayaan.
Go’aanka Trump ayaa qayb ka ah dadaalkiisa muddo dheer socday ee lagu adkaynayey sharciyada socdaalka iyo in la yareeyo barnaamijyada siinaya muhaajiriinta sharci ku-meelgaar ah. Hase yeeshee, dadka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa sheegay inay filayaan in hay’adaha xuquuqda iyo sharci-yaqaannadu u istaagi doonaan sidii loo difaaci lahaa dadka yar ee weli ku jira barnaamijkan.



