WASHINGTON – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horreysay si dadban uga hadlay arinta la xiriirta suurtagalnimada aqoonsiga Maamulka Somaliland oo la qorsheeyay in la geeyo Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo Qaza, kuwaasoo dalalka kale ee caalamka ay diideen inay qaabilaan, maadaama dhulkooda si sharci-darro ah looga qaadanayo.
Trump ayaa sheegay in “uu gacanta ku hayo galka aqoonsiga Somaliland oo usoo gudbiyeen xubno katirsan Koongareeska Mareykanka,” balse uusan bixin faahfaahin cad. Wuxuu Madaxweynaha Mareykanka hadalkan ka sheegay Aqalka Cad xilli uu dhexdhexaadinayay heshiis nabadeed oo u dhexeeya Azerbaijan iyo Armenia.
“Waan eegaynaa arrinta Somaliland hadda. Waa su’aal wanaagsan, runtii, waana arrin adag oo Miiska saaran, balse waan ka shaqeyneynaa hadda,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa sheegay in arrinta Somaliland ay tahay mid doodeeda ka taagan gudaha Mareykanka, laguna falanqeynayo Aqalka Cad, maadaama gobolka katirsan Soomaaliya muujiyay inuu diyaar u yahay qaabilada Falastiiniyiinta Gaza. Jawaabtiisa ayaa timid kadib cadaadis isa soo taraya oo kaga imanaya siyaasiyiinta Maraykanka iyo Somaliland.
Arrintan ayaa dabajoogta booqasho uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ku tagay Washington, halkaas oo uu Mareykanka ugu bandhigay heshiisyo ku saabsan macdanta iyo saldhig ciidan oo laga hirgeliyo Berbera, bedelkeedana la filayo in la helo aqoonsi rasmi ah. Cirro ayaa sheegay in Trump uu yahay hoggaamiye “ganacsiga si fiican u fahma,” taasoo uu rajo weyn ka qabo in ay guul keento.
Waxaa intaa dheer in Congress-ka Maraykanka uu hadda hor yaallo xeer la doonayo in Somaliland lagu aqoonsado, taasoo xoojinaysa doodda aqoonsiga, taasi halis ku ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka, islamarkaana ay dhaawacayso xiriirka diblomaasi ee Mareykanka iyo Soomaaliya.
Horaantii sanadkan, dowladda Soomaaliya ayaa u dirtay Maraykanka ogolaansho gaara oo ah maamulida saldhigyo cirka ah iyo dekaddo sida lagu qoray warqad uu madaxweyne Xasan Sheekh u diray dhigiisa Donald Trump 16-kii bishii Maarso.
Madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay warqadda in hantidaas ay ka mid yihiin saldhigga ciidamada cirka ee Balidoogle iyo sidoo kale dekeddaha Berbera iyo Boosaaso.
Si kastaba ha ahaatee, hadallada Trump iyo dhaq-dhaqaaqa cusub ee ka socda gudaha Mareykanka ayaa u muuqda kuwo u beddelaya arrinta Somaliland mid si dhab ah looga doodi doono go’aan rasmi ah ka hor doorashada soo socota ee 2026.




