Trump oo weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar

0

WASHINGTON – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kadib markii ay dhaleeceyn xooggan u jeedisay siyaasadihii amniga gudaha ee xukuumaddiisa, gaar ahaan adeegsiga ciidamada militariga.

 

Ilhaan Cumar ayaa hadalkeeda jeedisay iyadoo ka falcelinaysay markii ciidamada Qaranka Mareykanka loo daadgureeyay magaalada Los Angeles, xilli ay ka socdeen mudaharaadyo looga soo horjeeday qabqabashada lagu hayo muhaajiriinta, taasoo ay ku tilmaamtay talaabo muujinaysa in Mareykanku isu beddelayo “mid ka mid ah dalalka ugu xun dunida.”

Madaxweyne Trump oo ka jawaabayay hadalkaas, ayaa si adag u weeraray Ilhaan, isagoo sheegay:

“Ilhaan Cumar, oo mar walba ka cabata dalkeena, dalkii fashilmay ee ay ka timidna—Soomaaliya—ma leh dowlad rasmi ah, wuxuuna la daalaa dhacayaa dambiyo iyo saboolnimo. Waxaana lagu tiriyaa dalalka ugu liita adduunka, haddii xitaa la qiimeeyo.”

Hadalkan ayaa ka mid ah tiro hadallo hore oo uu Madaxweyne Trump uga jeediyay Soomaaliya, kuwaas oo uu ku tilmaamay dal aan nidaam dowladeed iyo ciidan rasmi ah lahayn, taasoo keentay cambaareyn iyo dood xooggan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here