Turkiga oo ciidamo difaaca Badda usoo diraya Soomaaliya

0

ANKARA (SMN) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa u gudbiyay Baarlamaanka Turkiga qaraarka Ciidamo Turki ah loogu soo diraya xeebaha dalka Soomaaliya si ay u ilaaliyaan.

 

Labada dal ayaa bishii February 2024 kala saxiixday heshiiska difaaca badda oo 10 sano qaadanaya, kaasoo yimid bil kadib markii Itoobiya is-afgaradka la gashay Maamulka Somaliland.

Maraakiib dagaal oo ka socda Turkiga ayaa kusoo wajahan biyaha Soomaaliya, oo ka ilaalin doonaan cadow, kalluumaysiga sharci-daradda, sunta lagu soo shubo.

Sida uu qabo heshiiska iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha, Turkiga ayaa Ciidamo badeed u dhisaya dowladda.

Sidoo kale, Turkiga waxaa la dilayaa in September dhamaadkeeda ama bilowga October inuu markab kale oo shidaal baaraya usoo diro xeebaha dalka Soomaaliya oo saddex balook oo badda dhexdeeda ah loo malaynayaa in Gaas iyo Saliid.

Shirkad dowladda Turkiga leedahay oo TPAO ayaa loo xilsaare6 baarista iyo soo saarka shidaalka Soomaaliya

Tani waday muujinaysa sida Turkiga uga go’an tahay inuu gacanta ku dhigi khayraadka dabiiciga dalka, iyadoo xusid mudan tahay in Turkiga shirkado laga leeyahay ay maamulaan Garoonka diyaaradaha Adan Cadde iyo Dekadda oo ah illaha dhaqaalaha ugu wayn dowladda.

Dhanka militeriga, dowladda Turkiga ayaa tababarta Ciidamo booliska iyo militeriga katirsan iyo kuwa cirka, taasoo qeyb uga qaadanyso dib u dhiska Ciidanka qaranka oo lagu Wado inay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan ATMIS December 2024.

@⁨Nasri⁩ @⁨Sofeysane⁩

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here