Turkiga oo ka carooday falkii Soomaaliya looga eryay Agaasimihii Isbitaalka Digfeer

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad oo hortegay guddiga arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka ayaa ka hadlay xiisad dhanka maamulka ah oo ka taagan isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay wada maamulaan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Cali Balcad ayaa soo hadal qaaday arrinta agaasimaha isbitaalka oo todobaadkii hore la eryay, sida uu shaaciyay wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qiray inuu jiro khilaaf soo kala dhex galay, wasaaradda caafimaadka iyo ragga dowladda Turkiga u jooga isbitaalka, taasna ay keentay in ka beddalo agaasimihii isbitaalka Digfeer, balse waxa uu tilmaamay in dowladda Turkiga ay ka carootay hadalka wasiirka ee warbaahinta lagu baahiyay, kaas oo ku aadanaa in dalka la eryay agaasimihii isbitaalka Digfeer, uuna ku laabtay dalka Turkiga.

Sidoo kale Cali Balcad ayaa sheegay in haatan ay ku jiraan xallinta kiiskan, si xal loogu helo mad madowga soo kala dhex galay labada dhinac.

Agaasimaha la eryay oo dib ugu laabtay Turkiga ayaa lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed iyo sidoo kale inuu la shaqeyn waayay wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya.

Isbitaalka Digfer oo loogu magac daray Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa gacanta ku haysa dowladda Turkiga, balse waxaa si wadajir ah u maamula wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka dalkaasi oo iyagu soo magacaaba xubnaha maamulka isbitaalkan oo kamid ah isbitaallada waa weyn ee ku yaal magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here