Turkiga oo markab sida gargaar u soo diray Soomaaliya + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab sida shixnad gargaar ah, kaas oo loogu talagalay dadka nugul iyo kuwa dantayar, waxana uu ku yimid dalab dhawaan hay’adda SoDMA u dirtay dalkaas.

 

Markabkaan ayaa shalay ka soo shareecday dakedda Turkiga, isagoo oo ay halkaas ka soo sagootiyeen madaxda iyo shaqaalaha Hay’addaha kala ah bisha cas Turkiga (Kızılay ) iyo hay’adda maareeynta musiibooyinka Turkiga ee (AFAD).

Mucaawinadan ayaa looga talagalay in lagu taageero looguna hortago abaarta la saadaalinayo in ay dalka ka dhacdo ee LaNina oo ay dhawaan hay’adda SoDMA ku dhawaaqday.

   

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here