Turkiga oo qaadaya tallaabadii ugu horreysay ee shidaal baarista Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Maraakiib laga leeyahay dalka Turkiga ayaa qorsheynaya ineey soo gaaraan xeebaha Soomaaliya dhamaadka bishaan October, iyagoo billaabi doona raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysay wasaaradda tamarta ee Turkiga maalinimadi shalay.

 

Tallaabadaan ayaa dabasocota heshiis dhanka tamarta ah oo bishii Maarso ay wada gaareen Soomaaliya iyo Turkiye,kaas oo dhigayey in shidaal baarista iyo soo saarista loo ogolaado in Turkish Petroleum ay shatiyo ka hesho saddex goobood oo ku yaala badda Soomaaliya.

Markabka Oruç Reis ayaa sahamin doona dhul gaaraya ku dhawaad ​​5,000 oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo u dhigma (1,930 mayl laba jibaaran),sida ay ka dhawaajiyeen wasaaradda tamarta oo intaa ku dartay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ka qeybgali doono xafladda ambabaxa maraakiibtaasi ee dhinaca Soomaaliya.

“Waxaan saadaalineynaa in aagga uu markabka Oruç Reis ka shaqeyn doono uu yahay gobol leh rajooyin shidaal,” Wasiirka tamarta Alparslan ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

Markabkaan Oruç Reis ayaa waxaa shaqadiisa ku wehlin doona labo markab oo kuwa badda ah iyo maraakiib taakuleyn ah waxayna imaan doonaan xeebaha Soomaaliya iyagoo soo mari doona badda Mediterranean-ka, Kanaalka Suez iyo Badda Cas.

Howlaha ku aadan raadinta saliidda iyo gaasta dabiiciga ah ayaa la filayaa inay socoto muddo toddoba bilood ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here