MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkadda Turkish Airlines, ayaa muddo aysan cayimin joosiyay duulimaadyadii ay ka sameynaysay Muqdisho, kadib digniin amni oo ka soo baxday Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.
Digniinta ayaa ku saabsan inay jiraan halis amni oo ka jirta Soomaaliya, taasoo keentay in shirkaddu go’aan ka gaarto joojinta duulimaadyada caalamiga ah ee isku xirayay Muqdisho iyo Yurub.
Shirkaddu waxay dadka ku wargelisay inay joojin doonaan duulimaadyada inta u dhaxaysa 5-ta Maarso ilaa 12-ka Maarso, taasoo ah mudda 7 maalmood ah.
Ma jiraan wax faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababaha ka dambeeya digniinta amniga, laakiin waa muhiim in dadka safarka ku jira ay la socdaan wararkii ugu dambeeyay ee amniga iyo jadwalka duulimaadyada.
Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya kama aysan hadlin sida digniinta Mareykanka Maanta u saameysay garoonka, oo ah isha 2aad ee dhaqaalaha dowladda Soomaaliya.