Türkiye oo Hal Sano Kale Kordhisay Howlgalka Ciidamada Badda ee Xeebaha Soomaaliya

0

MUQDISHO – Xukuumadda Türkiye ayaa si rasmi ah u shaacisay in la kordhiyay muddo hal sano ah joogitaanka Ciidamada Badda ee Türkiye ee ka howlgala Gacanka Cadan (Gulf of Aden), xeebaha Soomaaliya, Badda Carabta iyo biyaha ku xeeran, laga bilaabo 10-ka Febraayo 2026. Go’aankan ayaa lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Türkiye.

 

Kordhinta howlgalkan ayaa ujeedkeedu yahay ilaalinta maraakiibta ganacsi ee calanka Türkiye wata iyo kuwa la xiriira Türkiye, ka hortagga burcad-badeedda, tuugada hubeysan iyo argagixisada badda, taageeridda hawlgallada gargaarka bani’aadamnimo, iyo xoojinta khibradda howlgal iyo iskaashiga caalamiga ah ee ciidanka badda Türkiye.

Türkiye ayaa si firfircoon uga qeyb qaadanaysay hawlgallada caalamiga ah ee la dagaallanka burcad-badeedda tan iyo sanadkii 2009, oo ay ka mid yihiin Howlgalka Ocean Shield ee NATO iyo Ciidanka Isku-dhafka ah ee Task Force 151 (CTF‑151), oo ay Türkiye hoggaamisay toddobo jeer intii u dhexeysay 2009 ilaa 2025.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale xusay in, inkasta oo Soomaaliya ay codsi u gudbisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, haddana Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan cusboonaysiin wax go’aan ah tan iyo 2022 oo ku saabsan la dagaallanka burcad-badeedda, tuugada hubeysan iyo argagixisada badda ee ku sugan biyaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, hawlgallada caalamiga ah ayaa weli ka socda bannaanka biyaha Soomaaliya, iyagoo ku saleysan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Lambar 1851 (2008).

Sidoo kale, waxaa la xusay in Howlgalka Atalanta ee Midowga Yurub la kordhiyay ilaa 28-ka Febraayo 2027, sida uu go’aamiyay Golaha Midowga Yurub 16-ka December 2024.

Ugu dambayn, kordhinta howlgalkan ayaa qeyb ka ah waajibaadka qaran iyo kuwa caalami ee Türkiye ee ku aaddan sugidda amniga badda, ilaalinta xorriyadda maraakiibta, iyo taageeridda nabadda iyo xasilloonida caalamiga ah, iyadoo si buuxda loo tixgelinayo sharciga caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here