UAE oo Ka Baxaysa Bosaso Ka Dib Markii Somalia Joojisay Heshiiska Military-ga

0

Bosaso, Puntland, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa joojisay heshiiskii u oggolaanayay Imaaraadka Carabta (UAE) in ay ka faa’iidaystaan saldhigyada military-ga ee Bosaso iyo garoomada kale, kaddib markii la eedeeyay in Imaaraadku si qarsoodi ah uga caawiyay Zubaidi, hogaamiyaha ururka STC ee Yemen, inuu ka baxsado dalkiisa.

 

Ilaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hakinta dhammaan hawlaha military-ga ee UAE, oo ay ku jiraan adeegsiga hawada, soo degista diyaaradaha culeyska qaada, iyo saldhigyada Bosaso, Berbera iyo Muqdisho, ay qayb ka tahay jawaab celin rasmi ah oo ka dhalatay eedeymahaasi. Sida uu ilo-wareedku sheegay, UAE ayaa hadda bilawday in ay ka saarato shaqaalaheeda amniga iyo qalabka military-ga ee Bosaso, iyadoo u gudbaysa Itoobiya.

Warbixinnada ka imanaya Bosaso ayaa muujinaya in diyaaradaha culeyska qaada ee IL-76 ay si joogto ah u degayaan una duulayaan garoonka diyaaradaha Bosaso, celcelis ahaan lix diyaaradood maalintii, kuwaasoo qaadaya qalab military culus iyo shaqaale. Dadka deegaanka ayaa duubay muuqaallada diyaaradahaas, taasoo muujinaysa hawlgal degdeg ah oo aan horey loo arag.

Bishii October 2025, warbixin uu diyaariyay Middle East Eye ayaa shaaca ka qaaday in UAE ay ka isticmaashay dekedda iyo garoonka Bosaso sidii marin sahay u ah taageerada Ciidamada RSF ee Sudan, iyadoo la marsiinayay Calooshood ushaqeystayal Colombian ah iyo diyaarado culeys leh oo loo calaamadeeyay “khatar ah.”

Sanadihii u dambeeyay, xiriirka UAE iyo dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid muran badan dhaliyay, maadaama Imaaraadku si dhow ula shaqeeyo maamullada gobollada Puntland iyo Somaliland, isagoo mararka qaarkood ka baxsanaya maamulka Muqdisho. Xiriirka UAE ayaa sidoo kale la xiriira dalalka deriska ah sida Itoobiya iyo Kenya, halkaasoo ay saameyn ku leedahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya iyada oo maalgelin ku sameynaysa qaar ka mid ah siyaasiyiinta doorashada.

Ilaa hadda ma jiro wax faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxay dowladda UAE, balse howlgallada socda ee ka baxsashada Bosaso ayaa si weyn u saameynaya jawiga siyaasadeed iyo amniga Puntland, iyadoo sidoo kale la tilmaamayo in Bosaso loo arko saldhig ka mid ah hawlgallada military-ga ee UAE ee Sudan iyo Yemen.

.Xigasho,Middle East Eye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here