MUQDISHO – Ugaaska Beesha Daarood ee Koonfurta Soomaaliya, Ugaas Caleen, ayaa si kulul uga jawaabay hadallo muran dhaliyay oo dhawaan ka soo yeeray laba barafasoor oo caan ah kuwaas oo ka soo jeeda beelaha Hawiye, kuwaas oo shaki geliyay doorashada halgamaayaashii Soomaaliyeed ee ku lug lahaa aas-aaska Calanka Qaranka.
Barafasoor Abdiraxmaan Ibi iyo Barafasoor Yaxye Caamir, oo labaduba caan ka ah jaamacadaha iyo warbaahinta koonfurta Soomaaliya, ayaa dhawaan sheegay in Calanka Soomaaliya aysan curin halgamaayaashii sida weyn looga yaqaan taariikhda dalka, oo ay ka mid yihiin Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Axmed Gurey iyo Cawaale Liibaan.
Hadalkaasi ayaa dhaliyay falcelin caro leh oo ka timid beelaha Harti Daarood, kuwaas oo ku tilmaamay hadalka mid “gef ku ah halgankii qaranimada Soomaaliyeed” iyo mid “baal marsan xaqiiqada taariikhiga ah ee dalka.”
Ugaas Caleen oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in barafasooradaasi aysan waxba ka aqoon taariikhda Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay yihiin shaqsiyaad ka soo jeeda “hayb aan lahayn taariikh halgan”.
“Nimankan la baxay barafasoor waxay ka hadleen arrin aysan lahayn aqoon iyo xaqiiqo. Haddii ay leeyihiin damiir qaran, halgankii iyo calankii dalka ha xushmeeyaan. Taariikh ha sameystaan intay ceeb ku mashquulinayaan,” ayuu yiri Ugaasku.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hadallada noocan ah ay sii kala fogeynayaan bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay dhaawacayaan halgankii midnimo iyo qaranimo ee ay hormuudka ka ahaayeen halgamaayaal ka kala yimid beelaha Soomaaliyeed oo dhan.
Hadalka Ugaaska ayaa yimid xilli baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ah ay ka socoto dood kulul oo ku saabsan cidda xaqa u leh sharafka halganka iyo curinta astaamaha qaranka, gaar ahaan Calanka Buluugga ah ee Soomaaliyeed.
Dooda ayaa u muuqata mid sii galeysa marxalad xasaasi ah, iyadoo ay muuqato in arrintaasi ay sababi karto khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed haddii aan si masuuliyadi ku dheehan tahay looga wada hadlin.




