Ugaas Xasan Cabdi oo weerar culus ku qaaday madaxweyne Laftagareen

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo u warRamayey Shaballe ayaa Madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) ku eedeeyay in uu ka gaabiyey labo arrimood oo muhiim u ah xiligan deegaanada Koonfur Gakbeed Soomaaliya.

 

Labadaasi arrimood waxaa ay kala yihiin dagaalka looga xoreynayo dalka Al-Shabaab iyo doorasho daah-furan oo ka dhacda Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan Cabdi ayaa sheegay in Laftagareen uu ku fashilmay hoggaaminta howlgalada ka socda Soomaaliya isaga oo tusaale usoo qaatay doorka ay madaxweynayaasha kale ee HirShabelle iyo Galmudug ku leeyihiin dagaallada Shabaab ee deegaanadooda ka socda.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo shir ku yeeshay todobaadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa si weyn u dhaliilay xil isku dhajinta Laftagareen iyaga oo bayaan ay soo saareen ku sheegay in aysan aqbali doonin xukun marooqsiga uu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here