Uganda oo $100 bilyan oo magdhaw ah u raadinaysa askarta looga dilay Somalia

0

KAMPALA (SMN) – Taliyaha guud ee ciidamada difaaca dalka Uganda Gen Muhoozi ayaa ka dalbaday dowlada Mareykanka 100 Bilyan oo Doollar oo ah magdhowga khasaarihii Uganda kasoo gaaray dagaalka uu Mareykanka kula jiro argagixisada Soomaaliya.

 

“$ 100 bilyan oo dollar waa inta ugu yar ee aan ka rabo Mareykanka. Wayna bixin doonaan lacag kasta oo magdgaw ah,” ayuu yiri Muhoozi, oo ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Maxamed El-Amine Souef, oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa dhawaan u sheegay VOA-da in howlgalka ATMIS uu “diwaangaliyay ku dhawaad ​​4,000 oo dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay Ciidankooda, waxaana ugu badan kuwa ka socda Burundi iyo Uganda.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ka socda Bariga Afrika oo ciidamo keeno Soomaaliya bishii March ee sannadkii 2007-dii, waxaana ay ka howlgalaan askartaas gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose, oo weerar ka dhacay 26 May 2023 degaanka Buula Mareey lagu dilay in ka badan 100 askari oo Yugandhees ah.

Ciidamada Uganda, ayaa waxaa soo gaaray khasaarooyin kala duwan, waxaana ay qeyb ka qaateen xasilinta goobihii ay horey u maamuli jireen mintidiinta, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Ciidanka Uganda waxay ilaaliyaan goobo muhiim ah oo dowladda leedahay.

Dalabka magdhowga ee uu sameeyay Gen Muhoozi ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhaxaysa Uganda iyo Maraykanka.

Mareykanka, oo ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya ka dib dhacdadii Black Haw down ee lagu dilay  18 askari 1993-kii, ayaa ku tiirsan askarta Uganda si ay u gaaraan hadafka wiiqida khatarta Al-Shabaab ee ka dhanka ah danihiisa gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here