Ugu yaraan 23 Soomaali ah oo ku dhintay badda Mediterranean-ka

0

Ugu yaraan 23 muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen kadib markii laba doon oo sida muhaajiriin ah ay ku degeen badda Mediterranean-ka, meel u dhow jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

 

Mas’uuliyiin Soomaali ah ayaa xaqiijiyay dhacdada Arbacadii, iyagoo sheegay in 15 qof la badbaadiyay kadib markii doonyaha ay la kulmeen cilado farsamo xilli ay isku dayayeen inay ka tallaabaan xeebaha Waqooyiga Afrika una socdaan Talyaaniga.

Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Ibrahim Omar Shegow, ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso halista weyn ee ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay dooranayaan safarada sharci darrada ah ee badda, iyagoo raadinaya fursado nololeed oo Yurub ah.

Waxa uu ku booriyay dhalinyarada Soomaaliyeed in aysan naftooda halis u gelin doono aan ammaan ahayn, halkii ay ka heli lahaayeen fursado gudaha dalkooda ah.

Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo wacyigelin iyo fursado dhabta ah oo dhalinyarada ka joojin kara tahriibka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here