Ugu Yaraan 30 Qof Oo Lagu Dilay Weerarro Isku Duwan Oo Ka Dhacay Nigeria

0
Nigerian Army soldiers patrol near the scene after a deadly gunmen attack in Yelwata, Benue State, Nigeria, June 16, 2025. REUTERS/Marvellous Durowaiye

Kebbi State -Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay weerarro qorsheysan oo ay fuliyeen maleeshiyaad loo yaqaan Lakurawa, kuwaas oo ka dhacay dhowr tuulo oo ku yaalla Arewa Local Government Area ee Kebbi State, sida ay booliisku sheegeen.

 

Afhayeenka booliiska, Bashir Usman, ayaa xaqiijiyay in toddobo tuulo lagu burburiyay weerarradaasi, isagoo sheegay in weerarku uu ahaa mid si isku-duuban loo qorsheeyay.

Wararka laga helayo Anadolu Agency ayaa tilmaamaya in kooxaha hubeysan ay si qorsheyan uga gudbeen tuulo ilaa tuulo kale, iyagoo si ula kac ah u bartilmaameedsanayay dad rayid ah. Tuulada Mamunu ayaa laga diiwaangeliyay khasaaraha ugu badan oo gaaraya 16 qof, halka shan dhalinyaro ah lagu dilay Awashaka, saddex kalena ay ku dhinteen Masama. Tuulooyinka kale ee la weeraray waxaa ka mid ah Gorin Dena, Kamzo, Dan Mai Rago iyo Tungar Bature.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid kedis ah oo aad u xooggan. Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u cararay dhulka kaymaha ah si ay naftooda u badbaadiyaan. “Wuxuu ahaa mid lama filaan ah. Si aan kala sooc lahayn ayay rasaas u fureen, guryahana way gubeen,” ayuu mid ka mid ah dadka deegaanka u sheegay Anadolu isagoo magaciisa qariyay.

Kooxda Lakurawa ayaa ah urur hubeysan oo ka howlgala waqooyi-galbeed Nigeria, waxaana la rumeysan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda e (Daacish) iyo shabakado argagixiso oo ka jira dalalka Mali iyo Niger, iyo sidoo kale gobollada Sokoto iyo Kebbi ee Nigeria.

Weerarkan ugu dambeeyay ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysaneyso qalalaasaha amni ee ka taagan waqooyi-galbeed Nigeria, halkaas oo kooxo hubeysan ay ka faa’iideystaan xuduudahaoo amigooda aadudkeen ay u beegsadaan dad rayid ah, u dhacaan xoolaha, isla markaana u wiiqaan awoodda dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here