Muqdisho, Soomaaliya – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay, kadib markii qarax miino uu galabnimadii shalay ka dhacay xaafadda Cali Goley ee degmada Kaxda, gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa lala eegtay koox dhalinyaro ah iyo ciidamo ku sugnaa goobtaasi xilliga uu qaraxu dhacay.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan degmada Kaxda ayaa u sheegay Shabelle in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin rag iyo dumar, qaar ka mid ahna ay xubno muhiim ah oo jirkooda ah ku waayeen qaraxaasi, taasoo muujineysa halista iyo culayska uu lahaa qaraxaasi.
Sidoo kale, dhowr habeen ka hor ayaa isla goobtaasi waxaa ka dhacay israsaaseyn culus oo dhex martay rag la sheegay in ay kala shakiyeen, kuwaasoo dhammaantood ka tirsan ciidanka dowladda, sida ay sheegeen dad deegaanka ah.
Qaraxyada iyo falalka amni darro ee xiriirka ah ayaa kusoo badanaya degmada Kaxda, waxaana ay imaanayaan xilli dhowaan la beddelay guddoomiyihii degmadaasi, iyadoo sidoo kale dhawaan xilka laga qaaday taliyihii saldhigga booliiska Kaxda.
Waxaa hadda taliyaha cusub ee saldhigga loo magacaabay Dhame Maxamed Cali, oo horey u soo noqday taliyaha saldhigga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Ammaanka degmada Kaxda ayaa haatan si weyn looga walaacsan yahay, iyadoo shacabka deegaanka ay dalbanayaan in si degdeg ah wax looga qabto xaaladda amni ee sii xumaaneysa.



