Libya — Ugu yaraan shanta qof oo muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan labo haween ah, ayaa meydkooda lagu soo raray xeebaha magaalada xeebta ku taalla ee Qasr al Akhyar, oo ku taalla bari ka xigta caasimadda Tripoli. Sarkaal booliis ayaa u sheegay warbaahinta inay dadka deegaanka markiiba booliiska u soo sheegeen arintaas, taas oo keentay in ciidanka bad degaanka loo wargaliyo raadinta iyo soo qaadista maydadka.
Hassan Al Ghawil, madaxa baaritaanka ee saldhigga booliiska Qasr al Akhyar, ayaa sheegay in dadka deegaanka ay arkeen meyd ilmo ah oo soo gaaray xeebta balse dib ugu laabtay badda sababtoo ah hirarka xooggan, taasoo keentay in la dalbado in ciidanka Ilaalada Xeebaha ay raadiyaan, Dhammaan maydadka la helay ayaa lagu sheegay inay yihiin dad maqaarka madow leh, waxaana qaar kamid ah ay weli ku jireen firinjeerka meydadka.
Dadweynaha ayaa meydadka ku arkay Xeebta Emhamid Al Sharif, oo ku taal qaybta galbeed ee magaalada Qasr al Akhyar, kadib markii ay booliiska wargeliyeen helitaanka maydadka. Booliiska ayaa ku wargeliyay Bisha Cas si loo soo qaado maydadka, waxayna aaminsan yihiin in maydadyo dheeri ah ay soo gaari doonaan xeebaha.
Libya ayaa noqotay meel lagu sii marayo dadka muhaajiriinta ah ee ka cararaya colaadaha iyo faqri si ay ugu sii gudbaan Yurub, gaar ahaan badda Mediterranian ka tan iyo markii uu dhacay burburkii hoggaamiyihii hore ee Libya sanadkii 2011. Dalka ayaa bilowday inuu u kala jajabo kooxo hubeysan tan iyo 2014, taasina waxay sii xumeysay xaaladda muhaajiriinta iyo dadka tahriibayaasha ah.
Dhacdadan ayaa muujineysa khatarta weyn ee ay la kulmaan dadka ku jira safarka badda ee u dhexeeya Libya iyo Yurub, iyadoo dadkaasi ay inta badan wajahaan xaalado halis ah intii ay ku jiraan badda iyo magaalooyinka xeebaha Libya.



