UK oo Malaayiin Dollar ugu deeqday Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday 7.5 milyan oo gini oo lagu maalgelinayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) xili la filayo in lasoo afjaro bisha December ee sanadkan. Lacagtan taageerada dhaqaale ee UK ay siisay ATMIS iyo howlgalkii ka horreeyay, ee AMISOM, ayaa wadaarta guud ka dhigaysa £77 milyan oo gini tan iyo 2021.

 

Sida ay sheegtay safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya, Dhaqaalahan ayaa lagu bixin doonaa gunnooyin ciidan ee la siinayo ciidamada ka socda Ethiopia, Djibouti, Burundi, Kenya, iyo Uganda kuwaasoo la sheegay in ay soo wajahday mushahaar la’aan kadib markii midowga Yurub uu hakiyay lacagtii ku bixin jiray howlgalka Soomaaliya.

Ciidamada ATMIS ayaa u jooga dalka taageerada dowladda ee dhinacyada amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab, iyagoo la shaqeynaya ciidamada qaranka iyagoo sidoo kale ilaaliya kaabayaasha muhiimka ah sida Garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur, ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay iskaashiga iyo taageeradda joogtada ah ee UK, isagoo yiri, “Deeqdan dhaqaale waa mid muhiim u ah dadaallada ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab iyo nabad kusoo celinta dalka.”

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa yiri: UK waa saaxiib dhow oo soo jireen ah oo Soomaaliya leedahay, waana hormuudka dalalka taageera ATMIS, ma maal galineyno oo kaliya amniga Soomaaliya maanta laakiin sidoo kale waxaan maalgelineynaa xasiloonida berrito.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Ammaanka Danjire Bankole Adeoye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kaalinta UK ee amniga Soomaaliya, waxa uuna carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay sii wadida taageerada caalamiga ah.

“Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelinayaa safaaradda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Midowga Afrika iyo deeqdan lagu soo beegay waqtiga ku habboon. Waxaan ku boorineynaa saaxiibada kale inay ku daydaan UK oo ay maalgashadaan amniga Soomaaliya,” ayuu yiri danjiraha.

Dowladda Ingiriiska ayaa ka taageerta dowladda Soomaaliya dhanka dib u dhiska Ciidanka, iyadoo Baydhabo ku furatay xero lagu tababaro askarta, taasoo muujinaysa in beesha caalamka hadda usoo jeysatay sidii dalka uga soo kaban lahaa tobanaanka sano ee colaadaha iyo dib u dhaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here