UK oo qalab casri ah oo Militeri siisay dowladda Soomaaliya

0
Somali defense minister Ahmed Moalim Fiqi

MOGADISHU, Sept. 11 — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida, Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu soo bandhigayey gaadiid casri ah iyo qalab loogu talagalay la-dagaallanka miinooyinka nooca C-IED ah, kuwaas oo ka yimid Dowladda Boqortooyada Ingiriiska.

 

Hantidaas ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey Cutubka Injineerinka ee Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya (SNAF) iyadoo uu guddoominayey Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Charles King.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in qalabkan cusub uu muujinayo sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta awoodaha iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in qalabkan cusub uu si weyn u horumarin doono badbaadada iyo waxtarka howlgalada ka dhanka ah argagixisada.

Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga mahadceliyey Dowladda Boqortooyada Ingiriiska taageerada istiraatiijiyadeed ee ay si joogto ah u siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey in iskaashigan uu yahay tiir muhiim ah oo lagu gaari karo nabad, xasillooni, iyo amni waara oo loo helo shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here