UKMTO oo digniin amni u dirtay maraakiibta ganacsiga ee maraya xeebaha Soomaaliya

0

Muqdisho — Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa digniin adag u dirtay maraakiibta ganacsiga ee isticmaala biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya, kadib markii la soo sheegay dhaqdhaqaaqyo shaki leh oo ay sameynayeen doonyo shiraac ah oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakado tahriibin ah oo ay taageerto Iiraan.

 

Bayaan ay soo saartay hay’addu ayaa lagu sheegay in la helay warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqyo aan caadi ahayn oo ka dhacay meel u dhow magaalada Garaacad, oo qiyaastii 106 mayl badeed u jirta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Ciidamada ammaanka deegaanka ayaa la sheegay inay qabteen mid ka mid ah labada doon ee la tuhunsanaa, halka doonta labaad ay baxsatay, sida lagu xusay bayaanka UKMTO.

“Baaritaanno ayaa socda si loo xaqiijiyo xaaladda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka hay’adda, iyadoo lagu boorrisay dhammaan maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha Soomaaliya iyo kuwa gobolka inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay si degdeg ah ugu soo wargeliyaan dhaqdhaqaaq kasta oo shaki leh xafiiska UKMTO ama xarunta howlaha badda ee Soomaaliya.

Warbixinno amni oo dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in doonyaha la tuhunsan yahay ay qayb ka yihiin shabakad tahriibin ah oo hub iyo daroogo u gudbisa kooxda Xuutiyiinta ee Yemen, kuwaas oo xiriir dhow la leh dowladda Iiraan.

Sidoo kale, xogahaasi waxay muujinayaan in uu sii xoogeysanayo iskaashiga u dhexeeya kooxda Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab — laanta Al-Qaacidda ee Soomaaliya.

Khubarada amniga ayaa sheegay in maadaama la adkeeyay kormeerka iyo la-dagaallanka tahriibka tooska ah ee u dhexeeya Iiraan iyo Yemen, shabakadaha ay taageerto Iiraan iyo Xuutiyiinta ay hadda adeegsanayaan xeebaha Soomaaliya iyo Suudaan si ay uga dhigtaan marin dhexe oo lagu kala gudbiyo hubka iyo daroogada.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay khatar cusub oo kusoo korortay amniga badda ee gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here