DJABUUTI – Urur-goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay wadahadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isagoo ku dhiirrigeliyay dhinacyada inay sii wadaan wada-hadallada si xal waara loo gaaro.
Xoghayaha Fulinta ururka, Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa bogaadiyay dadaallada socda, wuxuuna ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in wada-xaajoodka lagu sii ambaqaado daacadnimo iyo niyad-wanaag si loo xalliyo arrimaha weli taagan.
War-saxaafadeed kasoo baxay IGAD ayaa lagu xusay doorka muddada dheer ee ururku ku leeyahay nabadeynta iyo dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Sidoo kale, ururku wuxuu dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya — oo ka mid ah dalalkii aasaasay IGAD si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta oo dan u ah shacabka iyo guud ahaan gobolka.
Ugu dambeyn, IGAD waxay muujisay garab istaag ay la jirto shacabka Soomaaliyeed, waxayna caddeysay inay sii wadi doonto la socodka iyo taageerada dadaallada lagu xoojinayo midnimada, wadajirka, iyo nabadda dalka.





