Ururka NUSOJ oo ku baaqay in Helitaanka Macluumaadka aan Xadidneyn laga hirgeliyo Soomaaliya

0

MUQDISHO, Somalia – SIyadoo maanta loo dabbaaldegayo Maalinta Caalamiga ah ee Helitaanka Macluumaadka, Ururka Qaranka ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) wuxuu si buuxda u taageeray Helitaanka Xaddid la’aanta ee macluumaadka Soomaaliya. Mawduuca sanadkaani wuxuu muujinayaa in qaybgalka bulshada ay muhiim u tahay kor u qaadista maamul wanaagga iyo horumarinta dimuqraadiyadda.

 

Bayaan ka soo baxay Ururka NUSOJ ayaa lagu xusay in muwaadiintu ay helaan macluumaad sax ah aysan keliya waajib aheyn balse ay tahay mid awood u siineysa in ay si macno leh uga qaybqaataan geeddi-socodka dowliga. Ka qaybgalkaasi oo ah mid lagama maarmaan ah iyadoo dalka loo diyaarinayo qaab-dhismeed dimuqraadi ah. Iyadoona markii muwaadiniintu ay helaan macluumaad lagu kalsoonaan karo, ay awood u yeelaan karaan in ay hoggaamiyeyaashooda kula xisaabtamaan mas’uuliyadda ay u hayaan, iyo inay si firfircoon uga qayb qaataan dhismaha mustaqbalka bulshadooda.

Haatan waxaa walaac xoogan laga muujinayaa Xeerka Macluumaadka Rasmiga ah, oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada 14-kii Maarso ee sannadkan 2024. Xeerkan oo helistiisa wata ayaa khilaafsan Qodobka 32 ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, kaas oo damaanad qaadaya xaqa muwaadiniinta ee helitaanka macluumaadka.

Waxaa intaa dheer, Xeerku wuxuu ka hooseeyaa xeerarka ay dejisay Midowga Afrika, wuxuuna ku guuldareystay inuu ilaaliyo waajibaadka xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah ee Soomaaliya. Halkii uu kor u qaadi lahaa hufnaanta, wuxuu abuurayaa dhaqan sir ah, isagoo si xad dhaaf ah u siinaya masuuliyiinta dowladda awood ay ku diidi karaan helitaanka macluumaadka.

Ereyada sida “sir” iyo qodobbada kale ee amniga qaranka ayaa si sharci darro ah u xadidaya in Bulshadu hesho macluumaad, taasoo ugu dambeyntii hoos u dhigaysa mas’uuliyadda iyo maamul wanaagga.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan, ayaa walaac xoogan ka muujiyay, isagoo yiri, “Helitaanka macluumaadka ma aha oo kaliya xaq; waa aasaaska dimuqraadiyadda. Haddii aysan jirin, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay ku jiraan mugdi, iyagoo aan si buuxda uga qayb qaadan karin maamulkooda.”

Xoghaye Cumar Faaruuq Cismaan wuxuu carabka ku adkeeyay in Xeerka Macluumaadka ee ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu uu khatar ku yahay mabda’aas asaasiga ah iyadoo uu  xaddidayo ka qaybgalka bulshada.

Iyadoo la tixgelinayo caqabadahan, Mudane Cismaan wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dib u eegto Xeerka Macluumaadka Rasmiga ah, isagoona ku taliyay in lagu sameeyo wax ka beddel waafaqsan damaanad qaadyada dastuuriga ah iyo waajibaadka caalamiga ah.

Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in xeerka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka wad qeyb qaadan karaan daneeyayaasha kala duwan, si loo hubiyo in Xeerka dib loo eegay uu taageero isbeddelka dimuqraadiga ee dalka iyo dadaallada lagu cirib tirayo musuqmaasuqa.

Ugu danbeyn, Ururka NUSOJ wuxuu markale ku celinayaa baaqiisa ku aaddan ilaalinta xaqa macluumaadka taasi oo ah —qayb muhiim ah oo lagu ilaalinayo xorriyadaha iyo xuquuqda dhammaan Soomaalida. Ururku wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta iyo daneeyayaasha inay ka wada qeyb qaataan howshan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here