Ururo Caalami ah oo ka digay Khatarta Sharci si qarsoodi ah lagu soo diyaariyay

0

MUQDISHO, Soomaaliya – War-saxafaadeed ay si Wadajirka ah usoo saareen NUSOJ, IFJ, RSF, AFIC, FAJ ayaa lagu sheegay in Hindise-Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah uu khatar weyn ku yahay xuquuqda aasaasiga ah ee helitaanka macluumaadka, taasoo si toos ah uga hor imanaysa sharciga Midowga Afrika ee helidda xogta iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

 

Waxay si adag u cambaareeyeen sharcigan oo Gollaha wasiiradda meel-mariyay bishii Maarso ee sanadkan, waxayna ugu baaqeen Baarlamaanka inuusan ansixin, si dib u eegis buuxda loogu sameeyo, loo dammaanad qaado hufnaanta, isla xisaabtanka iyo xaqa lagama maarmaanka u ah inay xog helaan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sharciga cusub ayaa lagu soo daray qodobo amni oo aan khuseyn kuwaasoo u ogolaanaya dowladda inay haysan karto xogaha qaar oo bulshadda laga qarinayo, waxayna ka difaacaysa maamulka markaas jira in saxaafadda ay tooshka ku ifiso qaladaadkiisa, taasoo meesha ka saareysa isla xisaabtanta iyo hanaanka dimuqraadiyadda dalka.

“Si qarsoodi ah ayaa qaraarkan lagu qoray, laguna horgeeyay Gollaha Wasiiradda oo isna meel-mariyay iyadoo lagala tashan bulshadda iyo saamilayda ay khuseyso, waana arin sharci-darro iyo xad-gudub ku ah xaqa muwaadiniinta ee helida xogta,” ayaa lagu yiri qoraalka ay NUSOJ qeybka ka tahay ee looga digay khatarta Hindise-Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah.

Habka qarsoodiga ah ee lagu wado Hindise-Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah oo kaso gudbay xukuumadda, haddana horyaalla Baarlamaanka kaliya ma dhaawacayo sharciyadiisa balse wuxuu keenayaa in meesha ka baxdo daah-furnaanta shaqooyinka hay’adaha dowladda, taasoo horseedaysa inuu bato musuq-maasuqa hadii la ansixiyo.

Iyadoo laga duulayo walaaca jira, waxay NUSOJ, IFJ, RSF, AFIC, FAJ cod dheer ugu baaqeeyn dowladda inay dib usoo celiso sharcigan, islamarkaana latashi ballaaran kala sameyso dhinacyada uu taabanayo, si loo xaqiijiyo inuu waafaqsan yahay dastuurka dalka iyo Qaanuunka Midowga Afrika ee helidda xogta oo ah mid ka tarjumayso dimuqraadiyadda.

War-saxaafadeedka ayaa ka tarjumaya sida ay hay’adahan uga go’an tahay ilaalinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo xaquuqul insaanka dalka Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda Afrika. Hadii la meelmariyo Hindise-Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah wuxuu dib u dhaw ku noqonayaa horumarka dalka ka sameynayo geediga dimuqraadiyadda iyo dowlad-wanaagga, ayaa lagu sheegay qoraalka.

Soomaaliya oo dhowr iyo sodon sano colaad iyo jahwareer siyaasadeed kusoo jirtay ayaa waxay u baahan tahay sharciyo si daah-furan loo diyaariyay, oo awood siinaya muwaadiniinta, islamarkaana ilaalinaya xaqa uu dastuurka u siinayo inay xog helaan, lana xisaabtamaan dowladooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here