Garoowe, Soomaaliya – Ururrada siyaasadda ee ka jira deegaanada Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray bayaanno ay ku muujinayaan taageeradooda doorka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ee difaaca midnimada, wadajirka dhulka iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ururradan ayaa si gaar ah u bogaadiyay go’aankii kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu laalay heshiisyadii ay Soomaaliya la gashay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kadib markii lagu sheegay in heshiisyadaasi aysan ka shaqeynayn danaha guud ee ummadda Soomaaliyeed.
Bayaannada ay soo saareen ururrada siyaasadda Puntland ayaa lagu adkeeyay in go’aankaasi uu yahay mid waafaqsan dastuurka dalka, isla markaana lagu ilaalinayo madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxay sidoo kale ururradu ugu baaqeen dhammaan shacabka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliyeed in ay si midnimo leh u garab istaagaan tallaabo kasta oo ay Dowladda Federaalka qaaddo si loo difaaco danaha qaranka, loogana hortago faragelin shisheeye.
Ugu dambeyn, ururrada siyaasadda Puntland ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in khilaaf kasta oo siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal iyo is-afgarad ku saleysan danta guud ee dalka.







