USAID oo lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale siisay Al-Shabaab

0

WASHINGTON – Hay’adda Gargaarka Mareykanka ee USAID ayaa lagu eedeeyay inay taageero siin jirtay Al-Shabaab iyo ururi kale oo ay kamid yihiin Hamas iyo Taliban oo ka dagaalama Falastiin iyo Afghanistan.

 

Labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Mareykanka oo lagu kalamagacaabo Tim Burchett [Tiim Barjet] iyo Marjoriya Taylor Greene ayaa sheegay in USAID ay todobaad waliba wali ay u dirayso dalka Afghanistan, iyadoo lacagtaas ay ku dhacayso gacanta Taliban.

Lacagtan ayay Xildhibaanadu sheegeen in hay’adda USAID si kaash ah diyaarado ay kireysatay ugu geyso Taliban-ka iyo Al-Qaacidada ku sugan wadanka Afghanistan, waxayna tilmaameen in dhaqaalahan ka yimid canshuurta muwaadiniinta Mareykanka lagu maal-gelinayo arrimo khatar ku ah amniga qaranka dalkaas.

Ka dib markii ciidamadii Maraykanka ay ka soo baxeen Afghanistan bisha Agoosto 2021, maamulkii Biden wuxuu sii waday in uu caawimaad bani’aadamnimo ee uu siiyo dalkaas, isagoo ku doodayay in gargaarka ii lagama maarmaan u yahay shacabka Afghanistan. Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha kormeerka iyo xildhibaanada ayaa su’aalo ka keenayarintan, waxayna ku doodeen in loo isticmaalay lacagaha si xun, islamarkaana ay ka faa’idey kooxda Taliban.

Iyagoo ka hadlayay kulan su’aallo waydiin ah, ayaa mudaniyaasha Mareykanka ku eedeeyeen USAID inay lacag loogu tala-galay gargaarka oo gaareysa 2.1 bilyan oo dollar ay u dirtay goobo ay maamusho Al-Shabaab iyo Ururka Hamas, iyadoo taasi ay sheegeen inay tahay qiyaano ay hay’addu ku sameysay dowladda Mareykanka iyo shacabka canshuurta bixiya.

Ma jiraan wax caddeyn ah oo muujinaya in Hay’adda USAID ay si toos ah taageero ugu fidisay Al-Shabaab, Taliban,Al-Qaacida iyo Hamas. USAID waxay ahayd hay’ad caalami ah oo bixisa caawimaad bani’aadamnimo iyo taageero dhaqaale, waxaana ay ka shaqeynaysay dalal badan oo ku yaal Afrika iyo adduunka intiisa kale, iyadoo dadaalkeedu ahaa in la caawiyo dadka rayidka ah, gaar ahaan iyada oo diiradda saareysa caafimaadka, waxbarashada, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Miisaaniyada sanadlaha ee USAID ayaa gaareysay 40 bilyan oo dollar, oo lagu fulinayo mashaariic waawayn oo ay ku jiraan la dagaalanka sabooltinimada iyo horumarinta dimuqraadiyadda, waxaana Soomaaliya kamid ahaan jirtay dalalka ka faa’ideysta gargaarka bini’aadanimo ee Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bishii hore shaqada ka joojiyay hay’adda USAID, isagoo si cad u muujiyay inuu doonayo in kharashka dibadda uu si dhow ula jaanqaado aragtidiisa “America First,”.

Xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ayaa arrintan ku tilmaamay “mid sharci-darro ah oo ka hor imanaysa dastuurka,” iyagoo sheegay inay dhaawici doonto dadka saboolka ah ee caalamka, halis gelin doontana amniga qaranka, isla markaana yarayn doonto saameynta Maraykanka ee heer caalami.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here