Villa Somalia oo ka jawaabtay falcelinta ka dhalatay hadalkii madaxweynaha

0

MUQDISHO (SMN) – Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah la-taliyaha arrimaha dastuurka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay hadal-heynta ka dhalatay khudbad uu Jimcihii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka jeediyay masjidka madaxtooyada, taas oo uu uga hadlay cabashada dhalinyarada ee ku aadan shiidka ama lacag la’aanta.

 

Lat-taliyaha ayaa u jawaabay xubnaha mucaaradka ee sida adag u naqdiyay khudbadda madaxweynaha, wuxuuna sheegay in si qaldan ay uga faa’iideysanayaan hadalka madaxweynaha, iyaga oo horkeenaya shacabka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in siyaayiintaas ay yihiin kuwa bartay laaluush, isla markaana dano gaar ah ka leh inay marin habaabiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay hadal uu horay madaxweynaha u sheegay oo ahaa in dalka aanay ka jirin shaqo la’aan, balse kuwa cabanaya ay yihiin dhalinyaro uu sheegay inay dadka ka caayi jireen baraha bulshada iyo kuwa kale oo uu tilmaamay inay lacago u aruurin jireen Al-Shababa, ayada oo arrintaas si aad ah loogu dhaleecyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here