Villa Soomaaliya oo saddex shardi ku xirtay wada-hadal lala galo Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – La taliyaha amniga qaran Xuseen Maclin ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hadda wax wadahadal ah kula jirin Kooxda AS, isagoo beeniyay warar arintaas ku saabsan oo maalmahan baraha Bulshadda lagu qoray.

 

Qoraal kooban oo la taliyaha amniga soo dhigay bartiisa X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayuu ku sheegay in wadahadalka ay ku xiran yihiin 3 shardi oo lagama maarmaan ah inay AS samayso, kuwaasoo kala ah inay xiriirka u jarto Al-Qaacida, inay aqbasho wadajirka iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo inay si nabad ah ku raadiso hadaf-keedda siyaasadeed.

Hadalka Xuseen Maclin ayaa yimid wax yar kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu uga dhawaaqay magaaladda Oslo in dowladiisa diyaar u tahay wadahadalka, isagoo hoosta ka xariiqay in dagaalka AS dhamaadkiisa uu yahay wada-xaajood.

Horey ayay AS dhowr jeer u sheegtay inaysan diyaar u ahayn wadahadalka dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirtay mudo ka badan 15 sano.

AS ayaa ah Koox ku xiran urur waynaha Al Qaacida oo 2012 ku biirtay, iyadoo aysan aqoonsanayn qaranimada, calanka iyo xaduuda Soomaaliya, waxayna weeraro la fulisaa dalalka deriska.

Mareykanka ayaa liiska argagaxisadda ku daray AS, iyadoo uu hogaamiyeesheeda sare duldhigay malaayiin dollar.

Dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay AS koox khatar ku ah danaheeda gobolka iyo amniga dalalka Geeska Africa. @⁨Sofeysane⁩

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here