Villa Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay khilaafka kala dhexeeya Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud oo warbaabinta ugu warramay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan khilaafka xoogan ee haatan u dhexeeyo dowladda dhexe iyo Puntland.

 

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in shirarkii ugu dambeeyay ee wadatashiga ay ka maqneyd Puntland, ayada oo uu markastaa ku casuumayay madaxweymaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay isku baahan tahay, isla-markaana dowladda federaalka iyo Puntland aysan marnaba kala tegi karin.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in khilaafka hadda jira xal laga gaari doono, isaga oo hoosta ka xariiqay in Puntland ay ula mid tahay maamullada kale ee jira ee dalka.

Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in wadahadal hoose uu socdo labada dhinac, ujeedkana uu yahay in xal laga gaara xiisadda siyaasadeed labada dhinac.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay magaalada Muqdisho uu ka furmay shir wadatashi ah oo u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa hore ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here