Waa sidee xaaladda Awdheegle kadib markii DFS kala wareegtay Al-Shabaab?

0

AWDHEEGLE – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Safarkan ayaa ahaa mid shaqo oo lagu qiimeynayey xaaladda amni iyo tan bini’aadannimo ee degmada, ka dib markii dhawaan laga xoreeyay kooxihii Khawaarijta.

Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray goobaha ay kooxahaasi burburiyeen, sida guryaha shacabka, xarumaha waxbarashada iyo caafimaadka, iyo qalabka tamarta qoraxda ku shaqeeya ee bulshada u adeegayay.

Waxay sidoo kale la kulmeen masuuliyiinta degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo in la caawiyo dadka ku dhibaataysan burburka ka dhashay dagaallada.

Wasiiru Dowlaha iyo Taliyaha ayaa kormeer ku tagey meelo muhiim ah oo ay Khawaarijtu burburiyeen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

  • Guryihii shacabka oo si weyn loo burburiyey, laguna khasbay in qoysas badan ay ka barakacaan degmooyinkooda.

  • Xarumo waxbarasho oo lagu burburiyey ama lagu dhaawacay, taas oo carqalad ku keentay waxbarashada carruurta deegaanka.

  • Xarumo caafimaad oo burburay, kuwaas oo lagama maarmaan u ahaa bulshada si loo bixiyo adeegyada caafimaadka.

  • Qalabkii tamarta qoraxda ku shaqeynayey ee bulshada muhiimka u ahaa, kuwaas oo gacan ka geysan jiray bixinta korontada meelo badan oo degmada ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka go’an dib u dhiska iyo soo celinta nabadda deegaanada ay kooxaha Khawaarijtu saameeyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here