Wada-hadalladii u socday Soomaaliya iyo Itoobiya oo fashil kusoo dhammaaday

0

ANKARA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya dallka Turkiga ayaa sheegaya inay fashil kusoo dhammaadeen wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada dalkaasi.

 

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in la’isku fahmi waayay qodobada qaar, kadib markii ay meel adag iska taageen wafdiga metalayo Soomaaliya ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale waxaa lagu ballamay wareeg kale oo saddexaad oo dhacaya bisha soo socota, si ay usii socdaan wada-hadallada labada dhinac oo xal loogu raadinayo xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Dowladda Turkiga ayaa dhex-dhexaadineysa labada dhinac, waxaana wafuuda u kala dab qaadaya wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo isku dayay in xal laga gaaro xiisadda, balse ugu dambeyn shirkii uu soo dhammaaday natiijo la’aan.

Soomaaliya ayaa horay uga carootay heshiiska badda, halka Itoobiya ay muddo dheer ku adkeysaneysay go’aankeeda, taas oo keentay in xiisadda labada waddan ay sii laba kacleyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here