Wadashaqeynta Gollaha Shacabka iyo Midowga Yurub oo la xoojinayo

0

Muqdisho – Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyo ku-xigeenkeeda Karin Gatt-Rutter.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Golaha Shacabka iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada dib-u-eegista Dastuurka iyo ansixinta sharciyada muhiimka ah ee horyaalla Golaha.

Danjire Di Mauro ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Golaha Shacabka soo dhaweynta diirran ee ay kala kulantay, waxayna ammaanay dadaalka Golaha Shacabka ee ku aaddan horumarinta sharciyada lagama maarmaanka u ah dowlad-dhisidda Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegtay in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, si gaar ahna Golaha Shacabka, si loo xoojiyo taageerada siyaasadeed, farsamo iyo tan sharciyeed ee loo baahan yahay waqtigan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa warbixin ka siiyay danjiraha shaqada Golaha, gaar ahaan geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo sharciyada muhiimka u ah xoojinta hay’adaha dowladda.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay rajo weyn ka qabaan in la helo Dastuur dhameystiran iyo sharciyo waxtar u leh dalka iyo dadka. Golaha Shacabka wuxuu si buuxda uga go’an yahay inuu hormuud ka noqdo dadaalladaasi,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wadashaqeynta joogtada ah ee u dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Midowga Yurub oo door muhiim ah ka ciyaara taageerada dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha sharci-dejinta dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here