Waddooyin laami ah oo laga hirgaliyay magaalada Kismaayo + Sawirro

0
default

KISMAAYO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta xariga ka jaray shan wado oo laami ah oo laga hirgaliyay Magaalada Kismaayo.

 

Axmed Madoobe ayaa socod ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka isagoo Sidoo kale madasha xarig jarka ka sheegay in Wajiga hore ee shaqadan oo hada gabo gabo ah ay ku xigto bilowga Wajiga labaad oo 14km oo dheeri ah ay Dowladu ku dari doonto.

Waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay dhammaan shacabka ku nool Magaalada Kismaayo inay ilaashadaan kaabayaasha hormarka isla markana ay u tanaasulaan danta guud.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa sheegay in hormarinta adeegyada bulshada ay u baahan yihiin in si wadajir ah ay uga shaqeeeyaan hay’adaha Dowlada iyo shacabka si ay u noqdaan Kuwo miro dhal ah.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu kormeeray qaar kamid ah tuubooyinka loogu tala galay in xiliga roobka ay biyaha ka qaadan wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada kuwaas oo Shaqo ay ka socoto.

default

default
default

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here