Waddooyin muddo xirnaa oo ku yaalla degmada Dharkenley oo maanta la furay

0

MUQDISHO (SMN) – Maamulka degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ayaa maanta howlgal waddo furis ah ka bilaabay gudaha degmadasi, waxaana lagu guuleystay in la furo illaa saddex waddo.

 

Waddooyinkan oo xirnaa muddo 16 sanno ah ayaa ugu dambeyn saaka lagu guuleystay in la furo, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Dhammaan waddooyinkan ayaa waxa ay u xirnaayeen shaqsiyaad gaar ah oo guryo bacweyne ah ka dhex dhistay, taas oo ay dhibaato ku qabi jireen shacabka.

Dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday maamulka degmada oo kaashanaya mas’uuliyiinta gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa weli xiran waddooyin waa wayn oo muhiim u ah isticmaalka dadweynaha ku nool degmooyinka gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here