Waddooyinka magaalada Muqdisho oo saaka xiran iyo sababta ka dambeysa

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sababo la xiriira xuska sanad guurada 64-aad ee kasoo wareegatay markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Ciidamada ayaa celinaya gaadiidka iyo dadweynaha, si ay u sugaan amniga inta uu socdo dabaaldagga maalinta qaran ee kowada Luulyo.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa sameynayo dhooltusyo ay ugu dabaaldagayaan maalintan qaran, kuwaas oo ku sugan Taalada Daljirak Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkan waxaa si weyn loo maamusay maalmaha xoriyadda dalka ee 26 June iyo Kowda Luulyo oo si wanaagsan ugu diyaar garowday dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here